Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta magaalooyinka jsl
16 December 2025 ·
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta magaalooyinka jsl Mudane Xasan Axmed Ducaale ayaa Magaalada Burco ka daahfuray shirka Tababarka, kormeerka iyo aqoon-iswaydaarsiga Degmooyinka Gobolka Togdheer.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood,ah waxaa lagu Lafa-gurayaa mudada uu socdo caqabada hortaagan Degmooyinka Gobolka Togdheer, horuumarka ka socda Degmooyinka iyo arrimaha mudnaanta u leh Degmooyinka ee u baahan in Xukuumadda dhexe gacan ka geysato.
Dhinaca kalena shirkan waxaa kor loogu qaadayaa aqoonta Maanulka ee Degmooyinka iyo in la dardargeliyo shaqada Maamulka ee Degmooyinka.
Shirkan waxaa Wssiirka ku wehelinaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL iyo masuulinta kale ee Wasaaradda, sidoo kale shirkan waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Masuulinta Golaha Degaanka ee Degmada Burco.
