Kormeer iyo Tababar iyo Aqoon isweydaarsi
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas, ayaa magaalada Berbera ka daah-furay kormeerka toboborka iyo aqoon-isweydaarsiga degmooyinka Gobolka Saaxil. Kulankan muhiimka ah oo socon doono muddo laba maalmood ayaa kor loogu qaadayaa aqoonta Maamulka ee Degmooyinka Gobolka Saaxil.
Kulankan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Golaha Degaanka ee Degmada Berbera, uu u horreeyo Maayorka Degmada Berbera.