
Wasiirka iyo weftigiisa waxaa gudaha magaalada si diirran ugu soo dhoweeyey masuuliyiinta Gobolka Sanaag, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Soo dhawayntan ayaa muujinaysa wada-shaqaynta iyo isku-duubnida ka dhaxaysa Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo maamulka Gobolka Sanaag, iyadoo booqashadani qayb ka tahay kormeer, kulammo shaqo, iyo dardargelin ku saabsan horumarinta maamulka degmooyinka iyo adeegyada ay helaan shacabka gobolku


