Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL


Published byFuaad Cumar Cali(tooltip)Only people who manage this Page can see who's published ·eoSosprtnd clr31hc00D6t85h2561e110gc10m01 m30a2fa0857le2b5ge ·
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin) uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta ayaa maanta soo xidhay shirka kormeerka, aqoon-isweydaarsiga iyo Tababarka ee Degmooyinka Gobolada Maroodijeex, Gebilay iyo Baligubadle, kaasoo muddo laba cisho ah ka socdey Hoolka shirarka ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka.
Kulankan ayaa mudadii uu socdey kor loogu qaaday aqoonta Maamulka ee masuulinta Degmooyinka, sidoo kale waxaa la qiimeeyey baahiyaha ka jira Degmooyinka iyo waxyaabaha u qabsoomay.
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka ayaa la dardaarmay masuulinta ka soo qaybgalay shirkan, isaga oo furay in ay dardargeliyaan shaqada ay Qaranka u hayaan, korna u qaadaan Horuumarinta Arrimaha Bulshada.