Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL


Published byFuaad Cumar Cali(tooltip)Only people who manage this Page can see who's published ·ortsodpenS1t51ma09ei14 brg2 ca2859fDcl2c020f97m04ch8m0aeflfe ·
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin), uu wehelinayo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa Magaalada Ceerigaabo ka daah-furay saaka shirka kormeerka, aqoon-isweydaarsiga iyo Tababarka Degmooyinka Gobolka Sanaag.
Shirkan muhiim ka ah oo socon doona muddo laba maalmood, waxaa lagu Lafagurayaa waxyaabaha u qabsoomay Degmooyinka iyo baahiyaha jira ee loo baahan yahay in wax laga qabto. Dhinaca kale shirka waxaa kor loogu qaadayaa aqoonta Maamulka ee Degmooyinka Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa hadalo muhiim ah ka jeediyey shirka.
Waxaa kale oo shirkan ka soo qaybgalay Maayorka Kuxigeenka Degmada Ceerigaabo.