Furitaanka Kormeer Tababar iyo aqoon isweydaarsi Gobolka Sool

 

Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta magaalooyinka jsl


18 December 2025 ·
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta magaalooyinka jsl , Mudane Xasan Axmed Ducaale, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar ka daahfuray shirka tababarka, aqoon-isweydaarsiga iyo kormeerka Degmooyinka Gobolka Saraar.
Shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Saraar iyo masuuliyiin kale oo heer gobol iyo degmo ah. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta iyo hufnaanta maamulka degmooyinka, xoojinta wada-shaqaynta, iyo horumarinta adeegyada ay degmooyinku u fidiyaan bulshada.
Shirkan ayaa ah mid ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee Wasaaraddu ugu jirto tayeynta maamulka hoose iyo horumarinta magaalooyinka dalka.