Xidhitaankii Kormeer Tababar iyo aqoon isweydaarsi Gobolka Togdheer

Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta magaalooyinka jsl


17 December 2025 ·
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta magaalooyinka jsl Mudane Xasan Axmed Ducaale, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka ayaa Magaalada Burco ku soo geba-gebeeyey shirka Tababarka, aqoon-isweydaarsiga iyo kormeerka ee Degmooyinka Gobolka Togdheer iyo Daadmadheedh.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diirada lagu saaray Horuumarinta Degmooyinka iyo qiimaynta baahiya ka jira ee Degmooyinka.